MAXAA KEENA TIMAHA DAATA MAXAASE LAGU DAWEEYAAA?
![]() |
Tima daadashada waxaa xaalad caadiya gaar ahaan marka ay maalinti kaa go,do boqol tin ah balse hadey tiradaasi ka badato waa xaalad aan caadi aheen hadaba waxaan ugudbi doona maxaa sababa xaaladaan calaamadaha lagu garto iyo sidee loo daweeyaa
Maxaa keena timo daadashada
1 Nafaqo la,aan nafaqada waxay door muhiim ah ka qaadataa koorimada tinta sidu uu jirkeena nafaqada ugu baahanyahay ayay timaheenuna ugu baahanyihin
2 Daryeel la aan sida caadiga ah timaheenu waxey ubaahanyihiin daryeel dhameystiran marka timaha oo la daryeelin waxay ku sababtaa daadasho
3 Dhaxal inta ugu badan daadasha waxey ka imaataa dhaxal inu qofka ka dhaxlo qeyb qoykiisa ka mid ah
4 Dawooyinka qaar dawooyinka sababa waxaa ka mid ah dawada kansarka ,dawada kala goysyada iyo dawooyinka wadna xanuunka
4 cudur cudur ugu badan ee sababa tima daadasha waa cudurka loo yaqaano(alopecia areata) cudurka wuxuu ku shacaa halka ay tinta kasoo baxdo wuxiu keena in gabi ahaan ey timaha soo bixin ama hadey soo baxdo ey shanlada xajinwey ama si dhaqsa ay udaadato
5 stresska wuxuu keena inay qalqal ku dhaco hormonada jirka iyo kuwa maskaxdaba sida darteed wuxuu sababa tima daadasho
6 chemicals shambooyinka qaar ey ku badantahay kiimicada waxey sababta daadasho sido kale waxyaala timaha laisticmaalo sida jilcisada iyo kalarka timaha wey sababaaan daadasho
Calaamadaha lagu gartaa tima daadashada
1 tinta oo noqota mid dhuuban ama daciif ah2 qeyb tinta kamid ah oo banaan
3 cuncun maqaarka madaxa
Sidee loo daweeyaa tima daadashada
Waxaan kuu hayaa sadex qodob oo muhiin ah oo ku caawin doona waxey kala yihin
1 isticmaal shampoyinka anti dandruff waana noocua nooca heli kartid ayaa istic maaleysaa
2 inaad isticmaasho dawooyinka sara uqaada koorinka timaha
F.g intaadan qadan dawoyinkan kala tasho dhaqtarkaaga
3 inaad isticmaashid saliid qumbaha saliid qumbaha waxaa ku jirto maado loo yaqaano(fatty acid) maadadan waxey weynesaa halka timaha kasoo soo baxdo waxey awood siisaa timaha
Sidoo kale waxaa kaga hortagi kartaa inaad joojiso dhamaan cillada kor aan kusoo sheegay ee keena inay timuhu daataan
Ugu danbeyntii Timuhu waxey ku jiraan meelaha jirka bini aadanka ugu muhiimsan waxeyna qeyb weyn ka qaataan quruxda qofka wana in la dhowro rasuulkena suubana s.c.w wuxuu yiri ( qofkii ilahay timo siiyay hakaraameeyo)
No comments:
Post a Comment