FAAIIDOOYINKA LAGA HELO CAANAHA GEELA
Caanaha geela waxaa ku jira saddex jibaar fitaminada ku jira caanaha lo,da waxaa kaloona kubadan potasium phosphorous zinc iron magnessium vitamins iyo amino acids waxaa caanaha geela kujira wax kabadan 200 oo protein ah sidoo kale waxaa ku jira anti biotic dabiici ah taasoo ka ilaalineyso inay dhaqso uxumaadaan ama bacteria ku dhalato
Hadaba waxaan ka hadleynaa faiidooyinka caafimaad ee cabista caanaha geela
1 Daaweynta cudurka macaanka ama sonkorowga
Caanaha geela waxay qani ku yihiin nafaqooyin waxaa ka mid ah hormoneka insuline kaaso kontoroola sonkorta
Joogteynta caanaha geela waxay xal dabiici ah unoqon karaan dadka qabo macaan waxaa dhacdaa mararka qaar in looga maarmo cirbada insulineka oo ay qaataan dadka qabo macaanka
2 waxaey uwanaagsanyihiin difaaca jirka
Caanaha geela waxaa kabuuxa proteina farabadan qaar kamid ah proteinadaas waxey qaabilsanyihiin inay jirka ka difaacaan germisyada iyo xanuunada soo boodada ah
Caanaha geela waxey kor uqaadaan difaaca jirkeena ayagoo naga ilaaliya dhibaatooyinka gudaha jirka iyo kuwa banaankaba
3 koriinka iyo koboca
Caanah geela waaxa kubadan proteinka xoola kaasoo ufiican korriimada iyo tayaynta lafaha caanaha geela waxaa kubadan calciumta kasoo ufiican lafaha waxuu khaas ahaan uwanaagsanyahay dumarka oo bil kasta caadada hela waxuuna usoo celiyaaa calciumtii ka baxde halka ay kaniini calcium ka qaadan lahaayeen waxaa wanaagsan in ay daaimtaan caanaha geela
Sidoo kale waxay uwanaagsanyihiin caruurta soo koraya waxay xoojiyaan korimada lafaha iyo dhismaha jirkooda sidoo kale ragga way uwanaagsanyihiin
4 waxay uwanaagsanyihiin wareega dhiiga
Caanaha geela waxaa ku badan birta ama ironta oo ufiican ka hortaga dhiig yarida caanaha geela waxey muhiim u yihiin wareega dhiiga iyo firfircoonida unugyada dhiiga
Caanaha geela waxay ufiicanyihiin hooyada umusha maadaama jirkeedu macdan badan kabaxde wey usoo celinayaan qofka dhaawacma iyo qofkastoo dhiig yari ay heyso
5 waxay uwanaagsanyihiin xasaasiyada
Cabista caanaha geela oo la joogteeyo waxay fiicantahay xanuunada ka dhasha xasaasiyada sida sanboorka iyo neefta hadii aad ka cabaneyso xasaasiyad ku dadaal cabista caanaha geela
6 waxay uwanaagsanyihin caafimadka wadnaha
Caanaha geela waxay isku dheeli tiraan cholesterolka fican iyo midka xun sidaas daraadeed waxey muhiim uyihiin ka hortaga wadna qabadka faaliga iyo dhiikarka
Dadka beerka ka xanuunsan iyo dadka wadnaha ka xanuunsan iyo dadka ay dufanka dhibto dhammaan caanaha ugu fiican ey isticmaali karaan waa caanaha geela si uu caafimaadka jirkiisa maxaa yeelay caanaha geela malahan dufan badan sida caanayaasha kale
Faaiidooyinkaas iyo kuwa kaloo badan o aan lasoo koobi kari ayaa laga helaa cabista caanaha geela marka waa in ku dadaalnaa oo aan daaimanaa caanaha geela